Taariikh Gaaban oo ku saabsan

Sheekh Cumar Faaruuq

 

W.Q. Maxamed Xasan

 

Sheekh Cumar Faaruuq Xaaji Cabdi-Suldaan Xaaji Maxamuud wuxuu ku dhashay degmada Qooxley oo Qallaafe iyo Qabridaharre u dhaxeysa, halkaasi oo magaceeda caanka ahi yahay "Carmaale" . Waxa uu dhashay sida loo sheegay goor barqo ah, maalin Khamiis ah, xilli dayr ah, bisha iyo sannadkase lama yaqaan.

 

Carmaale waxa dariiqa diimeed ka hayey aabihiis Xaaji Cabdi-Suldaan, dariiqadaasoo. ka koobanayd dugsi Quraan oo uu hayey wadaad la oran jirey macallin Cusmaan Macallin Dhicis, iyo cilmiga oo isagu uu akhrin jirey.

 

Sheekh Cumar-Faaruuq wuxuu ka dhashay qoys diineed. Hooyadiis, Caasha Sheekh Axmed Guure, isaga oo 3 jir ah ayey geeriyootay, aabihiisna wuxuu ka dambeeyey saddex sano. Isagoo weli la gudin baa Aabbihii dhintey. Waxaa markaa Sheekh Cumar Faaruuq soo koriyey ayeeyadiis hooyo iyo walaalihiis ka waaweynaa. Sheekha dugsiga qur'aan, dugsigii 1aad wuxuu galay isagoo 5 jir ah, dugsigii labaad isaga oo 9 jir ah . Macallinkiisu wuxuu ahaa abtigii hooyadii la dhashay oo macallin Xuseen sh. Axmed-guure la yiraahdo. Dugsigaasaa isagoo 12 jir ah uu quraanka ku dhameeyey, hase yeeshee dusha kama qaban. dugsigii 3aad isagoo 14 jir ah ayuu galey. Dugsigaas ayuu Cumar-Faaruuq quraanka dusha uga qabtey isagoo 14 jir ah. Dabadeed qur'aankii waa uu hilmaamay, sababtuna waxay ahayd isagfoo ku mashquulay shicir wax la oran jirey oo dhaqan u ahaa qoyska uu ka dhashay ah ilaa uu shicirkii dusha ka qabtey.

 

Markaa qur'aanka Sh. Cumar-Faruuq 3 goor buu dhameeyey. Ka dibna isagaaba macallin-dugsi noqdey, markaasoo uu 14 jir ahaa. Mar wuxuu ku qabtey dugsi magaalada Qallaafe isaga oo kutubta raacda oo xer ah, una dhiga carruurta reerkii uu markaas uu la noolaa. Reerkaasi oo uu lahaa nin la yiraahdo Olol Diinle, waxay saaxiib ahaayeen aabahiis. Dugsigii labaadna wuxuu u qabtey niman reer Ugaas la yiraahdo, meel la yiraahdo Maraacaato. Dugsigaas labaadna dugsi buu kiciyey.

Sheekh Cumar Faaruuq Cilmiga isaga oo 14 jir ah ayaa Fiqiga loo billaabay, Kitaabka Safiinatu Salaat ayaa waxa u billaabay Sh. Cusmaan-Jire Sh. Xuseen-Dhaqane.

 

Dhinaca luqadda Carabiga guriga ayaa loogu akhrin jirey, niman walaallihiis ah oo ay ka mid yihiin Sh. Shaafici Xaaji Cabdi-Suldaan iyo Sh. Murshid ayaa si toos ah ugu akhriyey Naxwaha, Ajruumiga, Camriidiga, Mulxaha, Mutamimka, Qadriga iyo ilaa Alfiyaha. Qaybta Sarfiga waxaa u akhriyey wadaad awowgiis ah oo la oran jirey Xaaji Maxamuud Xaaji Cabdulle, Tafsiirka waxaa u khriyey wadaad la dhihi jirey Sh. Yuusuf muddadaasoo uu magaalada Qallaafe xer ku ahaa.

Cilmiga Xadiiska ayuu markaa nin Sh. Ibraahim Muxumed Cali (Sh.Ibraahim Suuley) ka akhristay. Dabadeed Cumar-Faaruuq wuxuu galey madrassa ku taalley Xamar oo la oran jirey "Machadu-Diin bil-Muqdisho" oo ay Masaaridu dhigi jirtey. Halkaasi waxa uu ku dhameeyay dugsiga dhexe. Dugsiga sare waxa uu ku dhameeyay Machad-Altadaamun al Islaamiyah bil-Muqdisho oo ku oolli jirey lambar afar oo ay sucuudigu maamuli jireen. Kadib waxa uu galay Jaamacadda Medina , kulliyadda "Al-Dacwa wa-usuula-Diini", markaasoo taariikhdu ahayd 1975, wuxuuna ka qalin-jabiyey 1979kii.

 

Sheekh Cumar Faaruuq Jaamacadda markii uu dhameeyey waxa uu bilaabay faafinta diinta Islaamka isagoo xaruntiisu tahay Sacuudiga. Waxa uu duubay cilmi fara badan oo ay ka mid yihiin kutubo badan oo ilaa iyo 12 kitaab ah oo tafsiirka ah iyo siirada oo dhowr kitaab ah, manhajul-Muslim, taysiirul-aclaam, Arbaciinu-Al-Nabawi iyo kutub fara badan oo noocaas ah intii uu joogey Sucuudiga. Kutubadaas ayaa gaarey Yurubta iyo Ameerikaba. Kutubtaas dartood baa dadkii ku noolaa dibedda ay jecleysteen inay arkaan, markaasoo uu 1993kii bishii July 12keedii uu Shiikhu tegay dalalka Sweden, Norwey, Danmark, Finland, Swizarland, Ingiriiska oo uu ka sameeyay muxaadaraad iyo duruus kaleba.

 

Kadib sannadkii 1996 ayuu ku noqday Soomaaliya, waxaanu tagey magaalooyinka Muqdisho, Marka, Qoryaaley, Afgooye, Wallaweyn, Buurhakaba, Beydhabo.

 

Sheekh Cumar Faaruuq intii ka dambaysay burburkii Soomaaliya waxa uu waday barnaamij ballaaran oo ka kooban seddex qaybood. Kan hore waa midaynta culimada diinta ku abtirsada, mid mid ama xisbi xisbi ha ahaadeene; Kan labaad (Tawjiihul Uzucamaa) la talinta iyo toosinta ragga qabqablayaasha ka ah siyaasadda Soomaaliya; iyo qaybta seddexaad (Tadqiiful-Ummah) oo ah waxbaridda ummadda Soomaaliyeed, oo siduu sheegay Shiikhu "goorahan dambe Ilaahay hanuun siiyey" sidii looga haqabtiri lahaa diinta, hadday tahay akhriska kutubta ama wacdi iyo waano.

 

Sheekh Cumar Faaruuq waa mufti ay si wayn bulshada Soomaaliyeed uga haybaysato, waxqabadkiisuna uu ka muuqdo dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba, iyadoo cilmigiisa dunida oo dhan laga wada raacdo. Dalka Sucuudiga oo uu degganaa tan iyo 1974kii, waxa uu si toos ah uga akhrin jiray kutubta, kuwaasoo cajaladaha laga duubo muxaadarooyinkiisa ay soo gaari jireen dunida inteeda kale.

 

Laba goor ayuu sannadkan Soomaaliya tegay Sheekh Cumar Faaruuq, halkaasi oo uu ka bilaabay tafsiir xaafadda km 4, duruustaasi oo maqal iyo muuqaalba laga duubay si mar walba loo isticmaalo faafiddooduna u fududaato. Waxa uu islamarkaa Jimcayaasha jeedin jiray muxaadaro looga kala yimaado Muqdisho iyo magaalooyinka ku hareeraysan sida Afgooye, Marka, iyo Qoryoolay. Tirada ka soo qaygasha dhagaysigiisa waxa lagu qiyaasay 4000 oo qof markiiba, iyadoo celcelis ahaan ay 1500 oo ka mid ahi haween yihiin.

 

Sheekh Cumar Faaruuq booqashada uu Toronto ku yimid waxa ay ka dambaysay codsiyo iyo martiqaad ay bulshada Soomaaliyeed ee Kanada u fidisay in uu u yimaado.

 

Intii uu ku sugnaa Toronto waxa uu ka akhriyey laba risaalo oo kala ah "al-caqiidal-Waasidiyah" iyo "al-caqiidal daxawiyah". Waxa kaloo uu bixiyey muxaadarooyin kale oo ay ka mid yihiin kuwo dumarka u gaar ah iyo kuwo ragga u gaar ahba.

 

Sheekh Cumar Faaruuq waxa uu leeyahay 13 carruur ah iyo afar xaas, iyadoo ubadkiisa iyo kuwa ay sii dhaleen ay gaarayaan dhowr iyo labaatan.

 

Sheekh Cumar Faaruuq waxa uu duco gaar ah u soo jeediyey Somali Press iyo dhammaan dadka ku howlan wargayska. Sidoo kalena mahad ayuu Sheekhu ka soo jeediyey fursadda ay akhristayaashu ugu soo gudbiyeen su'aalahooda diiniga ah.

 

 

 

-------------------

 

SU'AALAHA AKHRISTAYAASHA IYO JAWAABAHA

SH. CUMAR FAARUUQ

 

Su'aal:

 

Sheekh ninkeeygii sideed sano ayaan kala maqan nahay, masruuf iyo marasho midna kama hayo, waxaana ka codsaday inuu i furo, wuuna diiday. Ma ka fasaqan karaa sideese uga fasaqan karaa?

 

Jawaab:

 

Arrin haddii ay laba qof ka dhaxeyso waa adag tahay in qof loo jawaabo iyadoo qofkii kale xaalkiisa la'ogeyn, waxaase laga bixin karaa jawaab shardi ah hadii qofku sheegayo maadaama qofka laga cabanaya aan la helin. Jawaabta shardiga ah waxay tahay maadaama muddada intaas le'eg ay kala maqan yahay. Xuquuqdii aad ku leheyd aad ka la'dahay sida Maherkaagii, Masruufkaagii, Marashadaadii iyo Mucaasharadii, intiina qofkii uu leeyahay mudda badana aad u sabartay waxaa kuu bannaan in aad fasaqato Ilaahay waxuu yiri "Wamaa jacala caleykum fiddiini min xarajin". Ilaahey xaraj iyo dhibaato diinteenna kama dhigin, Nabigana (C.S.W) wuxuu yiri "Dhibid la is dhibo ma jirto", sideedana guurka wanaag ku wada joogid iyo wanaag ku kala tagid labadaa mid weeye, diintana dhibaato ma ogala. Ilaaheyna wuxuu yiri haweenka inaad ku dhibtaan ha u haynina. Sidaa darteed haddii aad run sheegeyso fasaqa xaq waad u leedahay.

 

Sideebaa loo fasaqayaa? Sida loo fasaqayaa waxay tahay, qofka meesha uu ku nool yahay maamulka iyo diinta u haya ayey u tageysaa arrinteedana u bandhigeysaa, iyagaana dabagal ku sameynaya, ninkii ayey la xiriirayaan, waxayna hubsanayaan arrintan run iyo been midka ay tahay, waxayna ninkii ka codsanayaan labada arrimood oo ay diinta qabto: wanaag ku dhaqid iyo wanaag ku kala tagid. Haddii labadaasi ninku midna diido dadkaas ayaa fasaqaya, waana in ay ahaadaan dad diinta yaqaan.

 

Su'aal:

 

Nin ayaan ismehersannay, innagoo wali aqal gelin ayaa dibedaha kala aadnay, wey adkaatay in aan isku meel ku noolaanno, waxaana ka codsaday in uu warqaddeyda i siiyo, wuuna diiday, ma iska fasaqi karayaa?

 

Jawaab:

 

Waxaa la yeelayaa jawaabta hore oo kale, haddii ay suurto gal noqon weyday in ay wada noolaadaan waa in ninkii lala xiriiraa oo la weydiiyo in uu dhaqdo iyo in uu furo, markaas kadib haddii uu diido waa la fasaqayaa.

 

Su'aal:

 

Anigu ma shaqeeyo waxaan dowladda u sheegay in aan xaaskeyga la deganeyn , waana la deganahay , magaceeda ayaa cayrta na loogu soo diraa, oo dowladdu waxa ay igu dhibtay shaqey aniga oo aan shaqo heli karin ka jawaab sheekhow?

 

Jawaab: Bismilaah. Su'aashan wax badan baa la i waydiiyay waxaa weeya xukunka haddii ninka uu been shaagay oo uu yiri si biil kabsi loo hela biil baa laqaataa waana lawada joogaa ma wada joognana waa la yiri marka dambi iyo been ayuu ku sugan yahay. Ilaahayna Quraankiisa waxa uu ku yiri " iska ilaaliya been sheegidda" Haddii intaa warku ku egyahay waa un been kaliya. Wixii la qaataana waa waxaan banaaneyn. Hase yeeshee haddii markuu warka gudbinayay uu taabtay waxa furitaan ku saabsan ama qoftii waa kala tagnay ama waa furay arimahaa haduu sheegay furitaan bay noqoneysaa waa la kala tagay, haddii laakiin uu arrimo kale oo aan dalaaq taabaneyn uu sheegay, sida ma wada noolaan karnaa waa kala maqan nahay iyo arrimo kale oo aan dhalaaq taabaneynin uu ku qanciyay been buu markaa ku sugan yahay , laakiin dalaaqii wax noqon maayo, haduusa dalaaq sheegay furitaan beey noqoneeysaa.

 

Su'aal:

 

Sheekhow waxa aan ka shaqeeyaa dukaan weyn waxaa dukaanka lagu gadaa Doofaar iyo Khamro anigase dhinacaa kama shaqeeyo, marmarka qaarkood ayaa waxaa dhacdo in la iyiraahdo baabuurtii Khamrada keeneeysay wax ka daji xukunkaasi sidee buu noqonayaa.

 

Jawaab:

 

Su'aashaasi waa su'aal muhum ah waxaa weeyo Doonfaar iyo Khamro marna qofka Muslimka ah in uu ka ag dhawaado looma ogala. Nas baana lagu xarimay oo Quraanka ayaa caddeeyay. Markaa xukunku waxaa weeye qofka haddii uu helayo shaqo kale oo ka nadiifsan oo aan Doonfaar iyo Khamro aheyn ha doonto haddii uusan heleynin shaqo kale waxa uu galayaa "daruuro", inta uu iska ilaalin karana ha iska ilaaliyo, tani waa haddii uu shaqo kale waayo oo ay danta ku khasabto.

 

Su'aal:

 

Waxa aan ahay taksiile marka ma qaadi karaa laba nin oo aan ogahay in ay yihiin Qoomu Luudh (gay) ama laba naag oo is qaba?

 

Jawaab:

 

Jawaabtu waxa weeye ma qaadi kartid, sababtana waxa ay noqoneysaa in dambi gacan la isku siiyo oo Ilaahay quraankiisa waxa uu ku yiri "Samafal iyo wanaag gacan isku siiya laakiin danbi gacan ha isku siinina marka laba qof oo aad ogtahay in ay dambi ku jiraan maqaadi kartid.

 

Su'aal:

 

Sheekh ma ka shaqayn karaa dukaan Sigaar lagu dhexgado.

 

Jawaab:

 

Dukaan Sigaar lagu gado lagama shaqayn karo, maxaa yeelay Sigaarku waa khabiit, Ilaahayna Quraankiisa ayuu ku sheegay marka wixii la xarimayna lagama shaqeyn karo, waxuuna ka daba tagay tii Khamrada iyo Doonfaarka. Wabilaahi Toowfiiq.

 

Su'aal:

 

Sheekh waxa aan maqlay in waddankan laga haajiro waa waajib, waxaanse hadda ka hor maqlay in uu Nabiga C.S.W yiri: hijra ma jirto bacda fatxi Makka ee xukunkaa ka waran Sheekh.

 

Jawaab:

 

Xukunkaasi waa run Ilaahay Quraankiisa Kariimka ah waxa uu ku yiri "Walaa tulquu bi ay diikum ila tahlukah", waddankan qofka ku nool diintiisa waa halis, akhlaaqdiisana waa halis khatar bey ku jirtaa jinsiyaddiisana iyo abtirkiisa iyo Muslinimadiisana khatar bay ku jirtaa. Sidaa daraadeed in waddankaan laga haajiraa oo la aado dal Muslim ah, waa waajib, tan xadiiskana waxa ay khuseysaa asxaabtii oo waxa weeye Maka ayaa laga haajiri jiray Makana Nabigii baa furay Daar Islaam ayay noqotay marka Maka oo laga haajira oo dambe ma jirto weeye, sababtoo ahna wixii looga haajirayay ayaa baaba'ay. Marka qofka Muslimka ah meeshii uu naftiisa iyo maalkiisa iyo diintiisa uu ammaan uga waayo waa lagama maarmaan in uu ka haajiro dalka gaala in laga tagaana waa waajib.

 

Su'aal:

 

Sheekh ma banaan tahay in loo nisba sheegto Urur ama Jabhad iyadoo la difaacyo fikraddooda.

 

Jawaab:

 

Su'aashatan waxa ay u tagtay aayaddii ahayd "Isku kaalmeysta waxa fiican, hana isku kaalmeynina danbiga iyo colaadda". Sideedaba magaca waa labo, mid Islaam ah oo magac diin ah haddii loo baahan yahay, "Islaamnimo" taasi ayaa kugu filan oo Islaam baa tahay. Magaca kalena waa magaca waalidkaa uu kuu bixiyay sida Muxamad , Cabdulaxakiim iyo Cumar Faaruuq oo kale. Intaas wixii ka soo hara ma bannaana gaar ahaan kuwa ka shaqeeyo xumaanta Ilaahayna Quraanka waxa uu ku yiri "Dad daalimiin ah ha u laabanina, haddii kale naarta ayaa idin taabaneysa." Wabilaahi Towfiiq.

 

Su'aal:

 

Sheekh lacag ayaa Bankiga ii taallo lagactaas Riba ayaa dulfuusha, haddii aan rabo in aan Ribadaasi ka saaro lacagteyda maxaa ugu fiican in aan ku bixiya misa sadaqa ma noqoneysaa.

 

Jawaab:

 

Waxaa weeye lacag xaaraan kugu soo gashay ama aadan garaneyn qof gaar ah oo ay kaa soo gashay (ribo) oo aadan lahayn qofkii ay iga soo gashay ayaan u celinayaa. Lagactaasi Culumada markay qaaddaa dhigtay waxay isku raaceen in lagubo lacagataasi. Taasi waa dhici kari weysay, sidaas darteed waxa lagu bixinayaa danta guud ee Muslimiinta , Muslimiinta marka haddii ay misaajid dhisanayaan ama ay meel u ijaaran tahay oo ay ku cibaadaysanayaan, iyo agoon haddii ay jirto meel ku xareysan kolka taasi waxaa la yiraahdaa Danaha Guud ee Muslimiinta ayaa lagu bixinayaa maal lagu tabcay xaaraan taasi waxa dhaama ayaa Culumadu garan waayday marka maal xaaraam lagu tabcay waxaa lagu bixiyaa meelaha danta guud ee Muslimiinta (Almaraafiqal Caamah). Wabilaahi Towfiiq.

 

Su'aal:

 

Sheekh gabar ayaa igu mahersan shaqa fiicana mahaysto, waxaana la'igu xujeeyay inaan alaab badan deyn ku soo qaado oo aan gurigii ku sharaxaa alaabtaasi. Riba ayaa iga soo gaareyso maxaan sameeyaa?

Jawaab:

 

Iskadaa ha soo qaadinee adiga iyo gabadhaad is qabtaan darin dhulka aad dhigataan waa idin ku filan tahay, marka arrintaasi ma bannaana waad iska dhaafaysaa.

 

Su'aal:

 

Sheekh waxaan halka kaa weydiinayaa haweenka gaari ma wadi karaan iyaga oo ku gaysanaaya caruurtooda Iskuullada kuna soo adeeganayo baabuurkaasi isaga ah.

 

Jawaab:

 

Wax maanic ah oo iyadaba haddii ay baabuurkeeda wadato wax diidaaya maleh haweenka gaadiidkey fuuli jireen. Midda la diidaayo waa baabuur uu nin wado oo iyada aan muxram u ahayn, iyadana ay raacdo oo xitaa aanan ahayn baabuur badan oo ijtimaaciga ah, sida basaska oo kalana aan ahayn. Taas waaye tan la diidaayo ee baabuurka ayada kaligeed haddii ay wadato wax dhibaata ah uma arko. Wabilaahi Towfiiq.

 

Su'aal:

 

Sheekh waxa jooga aabahey oo duq ah oo xanuunsan oo aad daciif u ah Xajkan ma awoodo in uu xajiyo. Xataa haddaan qaado aad ayuu daciif u yahay. Maka xajin karaa asagoo nool oo jooga?

 

Jawaab:

 

Kol haddii uusan qofka xajin karin laba sababood ayayna ku dhacdaa ama waa qof dhintay ama waa qof sida qofkaas hadda la tilmaamay oo kale ah ama waayeel ah ama naafa ah dadka noocaas ah. Waa laga xajin karaa haddii xajka uu ku waajibay ayagoo naa'ib laga yahay.

 

Su'aal:

 

Sheekh Dhaqanka iyo Diinta ma la is waafajin karaa? Cilimiga iyo diintana sidee la isu waafajin karaa? haddaan diintu dhaliilayn cilmiga maxaa la yeelayaa?

 

Jawaab:

 

Su'aashan runtii waa su'aal aad u qiima badan. Dhaqanka iyo diinta ma la is waafajin karaa, in la xaddidaa fiicneyd waa illaa dhaqanka naftiisa waa in uu diinta ku salaysan yahay, wixii dhaqan ah oo aan diinta ku salaysneyna waa in la iska ilaaliyaa. Waxaa ka mid ah in dadka isu salaamo qaraabanimo. Haddaan maxramnima jirin korkaa la iska salaamayaa ee addinka la isa saarimaayo. Marka waxaa weeye, dhaqanka Soomaali diinta ma wada waafaqsana, mana wada khilaafsana , dhaqamo badan ayaa jira oo diinta waafaqsan. Marka, wixii diinta waafaqsanna waa la qaadanayaa, waxaan waafaqsanayna waa laga tagayaa, taa waa dhaqanka iyo diinta.

 

Midda kale ee ahayd cilmiga iyo diinta, waxaa weeye diinta nafteedaba waa cilmi. Kama foga su'aashan su'aashii hore. Waxaa weeye dadka Muslimiinta ah diin Ilaahay soo dajiyay bey leeyihiin, diintana waa diin kaamil ah oo shaamil ah oo wax walbana ka hadashay marka cilmigu hadduu yahay qaaliban, cilmiga naftiisa hadduu yahay cilmi caafimaad qaba diinta inaysan khilaafin bay u badan tahay marka had iyo ka jeer wixii diinta waafaqana waa la qaadanayaa cilmi iyo dhaqan miduu yahayba, waxaan diinta waafaqsaneyna waa la ga fogaanayaa.

 

Qaybta su'aasha u dambeysa waxa weeye haddaan diintu dhaliilayn cilmiga maxaa la yeelayaa? Waxaan diintu diidanayn waa la yeelayaa. Wax kasta xalaal baa u asal ah. Marka waxaan diintu diidaneyn waa lagu dhaqmayaa, hadday diintu dhaliilin macnaa waa in ay diinta ogashahay ama ka aamustaa laba goorba waa laqaadanayaa. Wabilaahi Towfiiq.

 

 

 

DHAMAAD

****

END

 

COMPILED BY ABDULFATAH

 

abdulfatah@yahoo.com

 

If you have any comments or suggestions please E-Mail me

Aqri Buugga Riyadeyda/Read My Dreambook!
Saxiix Buugga Riyadeyda/Sign My Dreambook!
Dreambook

YOU ARE VISITOR NUMBER SINCE DECEMBER 1998 [THANKS]

BACK TO MY ISLAMIC HOME PAGE