DIINTA2.gif (5097 bytes)

Fariin Muhiim ah oo ay soo direen Culumo Soomaaliyeed oo ku nool Wadanka Sacuudi Carabia.

Waxaa sharaf noo ah u khidmeynta xujeydda

Sanad walba xujeyda waxaa ku dhaca dhibaatooyin la xiriira dhinaca hoyga ama cuntada ama shopinka (wax gadashada) taas oo uga imaaneysa ganacsatada reer Makka, shirkaddo iyo shakhsiyaad si naxariis daro ah uga faa'iideysta Xujeyda. Tan kale arinta ugu muhiimsan ee acmaasha xajka si sax ah uma gutaan, iyagoo aan heleyn cid aqoon u leh darteed, oo wacyi gelisa.

Allah (Subxaanahu Watacaalaa) waxaa uu nagu sharfay labadii xajj ee ugu dambeysay inaan xujeyda u khidmeyno oo u saacidno si naxariis leh.

Barashadda acmaasha xajka sanadkaan oo ah kii saddexaad waxaa na-wacyi gelin doona Mufti, Shariif Cabdinuur, Sheikh Cumar Faaruuq iyo culumo kale, Alle idankiis (inshaa'Allah).

Khidmooyinka aan Xaajiga u qaban doono waa siadaan:-

1) Hooy ama guri wanaagsan oo biyo joogto ah leh.

2)     Cuntada oo jumlo iney usoo gataan aan ka caawino.

3)     Shaqaale cuntadda u kariya gurigana u nadiifiya iwm.

4)    Shoopinka (alaab gadashada) Makka iyo Jiddah oo laga kaalmeyn doono.

5)    Hanuunin, Muxaadarooyin, war bixin is-dhaafsi iyo manaafiicda Xajka.

6)   Baasaboorka oo mudafka looga soo qaadi si ay xurriyadooda u baxaan.

Khidmooyinkaas oo dhan waa $150.00 xaajigiiba.

Kooxdii rabta guri kaliya waa $100.00.

F.G: Xaajiga raba khidmooyinka aan soo sheegnay hanagala soo xiriiro Madiina.

F.G: Qofkii raba in cid looga xajiyo hanalla soo xiriiro.

OGEYSIIS: Xaajiga kasoo qaadida Madarka (Garoonka Dayuuraddaha) iyo geynta Madiina iyo Makka iyo goobaha acmaasha iyo teendhada dowladda ayuu ku leeyahay.

Nasteexo: In sida xujeyda Sweden iyo Finland majmuuco lagu soo xajiyo leh AMIIR. Macanaha Xajj waa qasad = xaajo, marka xaajiga ahmiyadda koobaad hasiiyo khasdiga uu u yimid. Miiqaadka xaka soo xirto Xajj al-tamatuc. Acmaasha marka uu guto oo uu xalaaloobo kadib ha galo Jidda aadid, qaraabo salaan, iyo alaab gadasho.

Tirada xujeyda waa maxduud diiwaan gelinta waa sida loo kala horeeyey. Xajkii ugu dambeeyey dad reer Canada ah oo aan meel u weynaybaan meelo kale ku xawilnay.

Iska jir:- Muwaadifiinta Saudi Arabia ee madaarka kaasoo qaadaya waxa ay kugu qalqaalinayaan in ay meel ku dejiyaan oo sicir sare ah ee ku dheh shukran.

Lasoo xiriir: Mohamed Weli iyo Cabdrahmaan Sh. Moaxamed

Tel/Fax:: (9662) 550-5042

AMA Hamud Ali Elmi (Abuu Ali)

Tel/Fax:: (613) 565-5987 Pager: (613) 566-8282 Fax: (613) 736-6652/733-3956

                                                                                                                                                                                               

DIINTA2.gif (5097 bytes)

Xajjka

Xajka waa rugniga shanaad ee ay diinta Islaamku ku dhisan tahay, waana waajib Ilaahay faray ummadda Islaamka ah qofkii awoodi kara hal mar oo keliye qofka cimrigiisa. Xajku waa qasdi uu qofku u qasdiyo Baytulxaraamku isagoo cibaadaysanaaya. Haddii aan ka warano waqtigii la waajib yeelay xajka waxay ahayd sannadkii sagaalaad ee Hijriyada Ilaahayna uu dadka faray inay xajiyaan haddii ay awoodaan.

Intii ka horeysay waqtigaa waxaa awood ku lahaa Maka mushrikiintii Qureysheed, waqtigaana Nebiga iyo asxaabtu may awoodi karayn inay si fiican u gutaan xajka.

Xajka qofkii diida ama inkira waa gaal hadii aanu jaahil ka ahayn arinta xajka, tusaale ahaan hadii uu yahay qof mar dhaw soo islaamay oo kale ooaan si fiican u garaneynin xukunka xajka qokaas waa loo cudur daarayaa.

Dhinaca fadligiisa hadii aynu fiirinu aad bay uga waramayaan nusuusta Quraanka iyo axaadiista Rasuulkaba, haddii aynu soo qaadano xadiis saxiixaynka ku sugan oouu wariyay Abuu Hureyra waxaa uu yiri:" Rasuulka (CSW) ayaa la weydiiyay camalka ugu fadli badan ?" Rasuulku (CSW) yiri:" in Ilaahey iyo Rasuulkiisa (CSW) la rumeeyo," ka bacdi waxaa la yiri:" maxaa ku xiga?" wuxuu yiri:" Rsuulku (SCW) Jihaad Ilaah dartii loo galay", kabacdi waxaa layiri:" maxaa ku xiga?"." Wuxuuna yiray:" Xaj Baari ah"..

Waxaa kaloo Rasuuku (CSW) yiri xadiis uu Abuu-Hureyra ka warinayo in ay xujaayda iyo dadka cimrada gudanaayo ay yihiin wafdi Ilaahay, oo ducadooda la ajiibo, haddii ay Ilaaha dimbi dhaaf weydiistaana laga aqbalo oo loo dambi dhaafo. sidoo kale wuxuu Rasuulku (CSW) ku tilmaamay in xajka abaalmaritiisu tahay Janno.

Bilaha xajku waa bisha Shuwaal, Dulqacda iyo tobanka beri ee ugu horeeysa bisha dulxaj.

SHURUUDAHA XAJJKA

Waxaa shardi ah qofka xajka gudanaaya arimaha soo socda.

1) Inuu muslim yahay.
2) Inuu caqli qabo uuna waaleyn.
3) Inuu qaan gaar yahay.
4) Inuu xoryahay
5) iyo inuu awoodi karo (xoolo iyo jir ahaan ba) inuu xajka guto

Waxaa kale oo in taas weheliya gabadha oo laga rabo inuu muxarram la socdo, (waxaase ka yara jirta khilaaf ).

Meelaha laga xirmanayo

waxaa jirta shan meelood oolaga xirmanayo Xajka waxena kala yihiin.

1) Dul-xuleyfa oo ay reer Madiina ka xirmadaan.
2) Jux-fax oo ay reer Shaam ka xirmadaan
3) Qarnulm-manaasil oo ay reer Najad ka xirmadaan
4) Yalam-lam oo ay reer Yamneed ka xirmadaan dadka Soomaaliya ka yimaadana halkan ayey ka xirmadaan
5) iyo Daatu-ciraq oo ay reer Ciraaq ka xirmadaan.
Hadaba waxaa la karaahiyeystay inuu qofku xirmado xajka isagoon soo gaarin shantaa meelood ee aynu soo sheegnay ee uu kaga xirmanayo xajka maxaa yeelay Nabiga (CSW) ayaa waqtiyeeyay.

Waxaa jira saddex nooc ooqofka u gudan karo xajka.

1) Tama tuc ooah inuu qofku xirmado Cumrada bilaha xajka gaar ahaan ka bacdi marka bisha Shuwaal soo gasho kadibna ka firaaqooda (ka baxo) cumradii oouu xirmado xajkii.
2) Qiraan (xiriirin) oo ah inuu is raaciyo cimrada iyo xajka labadooda oo wada xirmado.
3) Ifraad (keliyeelid) oo ah inuu qofka xirmado xajka oo kaliya.

Culimadu Islaamka badidoodu waxey qabaan inuu qofku dooran karo kii uurabo sedaxdaasi nooc waxaysa isku yara khilaafeen kee u fadli badan saddexdanooc waxaase la door biday Tamatuca kaasi oo Nabigu (CSW) ku booriyay asxaabtiisa isaguna sameeyay.

Sidee loo gutaa xajka?

ugu horeyn waxaa loo baahan yahay inuu qofku xirmado xajka, oo ah maalinta sideed ee bisha Dul-xaj. marka uu xirmanayana waxaa looga baahan yahay.

1) inuu qubeeysto is cadriyo.
2)inuuxirto dhar cadcad gabadhuna ay xirato wixii ay rabto laakiin shardi waxaa ah ineysan isqurqurxinin
3) inuu tukado salaadii farolka ahayd haddii ay tahay waqtigeedi si uu markaas ka bacdi uxirmado haddii aanan jirin salaad faradahi waxuu tukanayaa labo ragco oo sunna ah oo aan ahayn sunnihii ixraamka ka bacdi wuxuu la imaanaya talbiyadii xajka (labbeykallaahumma labbeyk, labbeyka laa shariika laka labbeyk.)
4)Ka bacdi wuxuu u baxayaa Minaa wuxuuna kutuknayaa duhur casar, maqrib ,cisho iyo subax wuxuuna qasrinayaa salaadaha kuwii la qasrin karo isagoon jamcinaayo
5) ka bacdi wuxuu istaagayaa Carafa waana maalinta sagaalaad ee Bisha Dul-xaj.
waa rukni muhiima istaagidda la istaago Carafo ducada la ducestaana aad bay u kheyr badan tahay qofka aana xaajiga aheyn waxaa sunne ah inuu soomo .
6)in lagu baryo Musdalifa marka laga yimaado Carafa waana qorax dhaca ka bacdi wuxuuna ku tukanayaa maqrib iyo cishaa .
marka uu tukado salaada subax ka bacdi wuxuu u baxayaa mash-caril xaraam.

7) ka bacdi waxaa la aadayaa Minaa waxaana la tuuraya Jamratulcaqaba todaba goor ka bacdina waxaa la qalayaa neefkii hadyiga ahaa. Intaa ka kabacdi waxaa la xiiraya ama la gaabinayaa timaha haddii uu nin yahay. intaa kabacdi wuxuu la dawaafayaa Kacbada waana dawaaful ifaada. kabacdi sacyigii ayuu la imanayaa haddii aanu hare u sameyn intaaa ka bacdi waxaa xaajigii u xalaa loo bayaa wixii ka xaaraan ahaa oo dhan ka bacdi xaajigu wuxuu sii joogayaa maalmaha ayaamu-Tashriiqa Minaa wuxuuna tuurayaa sadex tuurimaad ah. Mid kastaana tahay toddoba tuuryo oo is ku xiga isagoo qofku takbiiranayo tuuryo kasta oo uu tuuro.Ugu dambeeyna qofku ama xaajigu wuxuu sameynayaa Dawaafulwadaac. Ka dibna waa uu soo siyaartaa Masjidka Rasuulka (CSW) Haddii aynu soo qaadano waxyaabaha qofka xaajiga ah ka xaaraan ah inta xajka lagu gudo jiro waxaa ka mid ah.

1) inuu qofka la yimaado jimaac ama galmo.
2) inuu jaro cidiyaha.
3)inuu isticmaalo udug marka uu xirmado ka bacdi .
4) inuu xirto galofis (gacma gashi ).
5)inuu jaro timaha inta Xajka lagu gudo jira.
6)in lasuubiyo caqdi guur.
7) in la dilo xayawaanka ama laugaarsado

TALOOYIN GUUD

Walaalkeeyga Xaajiga ah waxaan kula talin lahaa talooyin la xariira caafimaadkiisa waxaana ka mid ah.

1) inuu xaajiga cabo biyaha nadiifka ah
2) inuusan cunin khudrad aanu iska dhaqin
3) inta aanad cutada cunin ku dhaq gacmahaaga biyo iyo saabuun .
4) iska jir isgadiga hawada kuleeylka badan iyo qabowga badan, is kana ilaali waqti badan inaad hoos fadhido qorrax kulul.
5)kadhowr ama ka ilaali cuntada Duqsiga daboolna cuntada
6) haddii ay suurta gal tahay qaado talaalo ka hortag ah.
7)markaad is ka dareento wax dhibaato ah la xiriir meelaha caafimaadka kuugu dhaw.
8) sii qeyb nasasho ah jirkaaga seexo waqti kuugu filan, maxaa yeelay soo jeedka badani waxuu keenayaa dhibaatooyin kala duwan.
9)dhinaca cuntada ha badsan hilibka waqti carafo la taagan yahay waxaad istimaashaa khudaar.
10)dharka aad xiraneeyso waa inuu qafiif ahaado oo aanu neyloon ahaan si dhididka loo nuugo ooxaraarada jirku hoos ugu dhacdo.

Dhinaca safarka waxaan Xujaayda kula talinayaa

1) inay qaataan tikit safar oo goo and bach ah.
2) in baasaboorka waqtigiisa fiican yahay oo aanu dhicin.
3) inuu qofka sii qaato Quraan iwm.

Waxaan u rajeeynayaa dadka muslimiinta ah ee sanadkaan Xajka gudanaya camal suuban iyo soo laabasho nabad qabta Ilaaheyna waxaan ka baryayaa sanadkan kiisa kale inagu gaarsiiyo caafimaad qab cibaado suuban Aaamiin Allahayoo Aamiin.Waxaan kaloo Ilaahay ka baryayaa inuu umadda Soomaaliyeed ka saaro dhibaatada haaysata ugana bedelo nabad , is jeceyl, iyo is aamin walaaltinimo Aaamiin Allahayoo Aamiin.

Abdulfatah Mohamed Abdulle

If you have any comments or suggestions please

E-Mail me.

I would be happy to know what you think about my Home Page - Thanks:

abdulfatah@yahoo.com

Aqri Buugga Riyadeyda/Read My Dreambook!
Saxiix Buugga Riyadeyda/Sign My Dreambook!
Dreambook

YOU ARE VISITOR NUMBER SINCE February 22, 1999 [THANKS]

BACK TO THE MAIN PAGE