Wixi faalo/suaal ah kusoo hagaaji abdulfatah@yahoo.com
Xaydka waxaa loola jeedaa dhiigga xilliga leh ee haweenta ku yimaada kolkey caafimaad qabto. Dhiiggaasoo ay haweenku si sahal ah ku garan karaan, kana duwan dhiiga dhalmada.
Waana in lakala saaraa dhiigga xaydka iyo haweenka dhiig furanka qaba. Xaydku waa dhiig uu u qoray Alle weyne xaawaleyda (dumarka) bil kasta mar sida qaalibka ah. Sida kusoo aroortay xadiis saxiix ah oo kasugnaaday Rasuulkii Alle (S.C.W.).
Haweenta dhiig furanka qabtana saddex xaaladoo bay mid leedahay:
(1) In dhiigga xaylka ku hor leeyahay, markaana waa waajib iney sugto oo ka joogto iskana deyso inta uu dhiigu ka socdo bil waliba salaad iyo soonba. Mana bannaana ninkeeda inuu u tago oo uu la galmoodo ilaa ay ka daahir noqoto, taana waa haddey muddada dhiigga tahay shan iyo toban maalmood (15-days) ama ka yar. Haddi uu dhiiggu ka sii socdo muddo 15 maalmood ka badan macnuhu waa "waxey qabtaa dhiig furan" markaana waxey caadadeeda kasoo qaadi lix ama toddoba maalmood iyadoo asaageed fiirineysa sida ay yihiin muddaddaa oo ay ka fariisaneyso salaada iyo soonka, iyo waxyaalaha kale ee ka reebban qofka dumarka ah ee caadada qaba. Taasina waa haddayan kala saari karin xaydka iyo kan kale, haddi ay garan karto dhiigga xaydka waxey ka joogeysaa salaadda iyo soonka iyo isutagga (galmada) iyada iyo ninkeeda muddada dhiiggaa caadada ee lagu garan karo oo lagaga sooci karo kan kale waa "inuu yahay mid madow xiga oo ur leh" marka uu dhiigga noocaas ahi ka dhammaado beyna meyran (qabeysan) oo tukan.
(2) Waxaana shardi ah inay muddada dhiiggaas ayan ka badan 15-maalmood tanina waa xaaladda labaad ee xaaladaha haweenka dhiig furanka qaba.
(3) Xaaladda saddexaad: iney leedahay caado ay taqaan, oo ay horey u laheyd inta uu dhiig furanku ku dhicin, markaana waxey dhowri caadadi ay tiqiin, oo ka fariisan salaad, soon iyo isutagga iyada iyo ninkeeda muddada caadadeedaasi, dabeetana meyran, waxeyna u weeseysan salaad kasta marka uu waqtigeeda soo galo maadaama ay dhiigii qabto (dhiig furan), waana u xalaal ninkeeda inuu u tago illaa uu ka yimaado waqtigii caadadeedii bisha kale.
Dhiigaan wuxuu badi lasocdaa oo yimaadaa kolkey haweentu dhasho kaddib wuuna socon karaa muddo aan go'neyn. Waxaa dhici karta mararka qaarkood iney haweenta dhiig la sheegaba uusan ka iman dhalmada kaddib.
Sida ay axaadiistu tilmaamayaanna haweenta uu ka socdo dhiiga dhalmada waxey sugeysaa 40 ilaa 60 maalmood, muddadaa kaddibna haduu dhiiggu ka joogsan waayo waxaa waajib ku ah iney meyrataa meyrasho dhan ay billowdana gudashada salaada, xitaa hadii uu dhiigii ka socdo.
Haddii uu dhiigu ka joogsado ka hor afartanka maalmood ee dumarka caadada u ah waa iney meyrataa oo salaada si caadi ah u gudataa.
FALALKA KA REEBAN HAWEENKA DHIIGGA CAADADA AMA KAN DHALMADA UU KU DHOCO:
(1) Salaad oo dhan mid waajib ah iyo tu kaleba, lagamana rabo iney qalleeyaan oo dib kala yimaadaan wixii ka tegay oo salaad ah muddadaa ay dhiigga qabaan. Taana waa hadii uu dhiiggoodu yahay mid caadi ah oo xilli go'an leh.
(2) Soonka, waxaase laga rabaa iney dib ka qaleeyaan wixii soon waajib ahee dhaafay xilligii ay dhiigga qabeen.
(3) Ku dawaafka kacbada.
(4) Taabashada kitaabka Qur'aanka kariinka ah, waxbase kuma jabna taabashada iyo qaadida kutubta kale ee Islaamka ka hadlaya sida tafsiirka macaanida Qur'aanka, Xadiiska iyo kutubta la midka ah.
(5) Akhrinta Qur'aanka, hadeyse haweentu ka baqdo illow waxaa u banaan iney Qur'aanka dusha ka akhriso taabasho la'aan musxafka. Sidoo kale waxaa u banaan akhrinta ducooyinka Qur'aaniga ah.
(6) Joogitaanka masjidka, oo ma banaana haweenta haddey caadadii ku dhacdo iney masjidka joogto, oo waa iney ka baxdaa.
(7) Galmo iyo xiriir isu tag ah ninka iyo naagtiisa, taana waa xaaraan markey haweentu qabto dhiigii caadada ama kii dhalmada.
Asxaabtii Rasuulka (A.K.R.) waxey Rasuulka wax ka weydiiyeen dhiigga caadada markaa buu wuxuu Alle (S.W.) soo dejiyey aayadaan ku jirta Suuratul-Baqara tirsigeeduna yahay 222.
"Waxey ku weydiinayaan dhiigga xaydka, ee dheh: [waa dhiig waxyeelo iyo dhibaato leh ee xun ee haweenka iska daaya waqtiga xaydka, oo ha u dhawaanina jeer ay daahir noqdaan. Markii ay daahir noqdaana uga taga meesha Alle idin faray, Alle kuwa towbad keenka badan waa jecelyahay kuwa is daahiriyaana waa jecelyahay]".
Waxey culimadu dhamaan isku raacsanyihiin iney ninka u banaantahay inuu naagtiisa ku raaxeysan karo xilliga ay dhiigga qabto, waase inuu ka fogaado inta u dhexeysa xuddunta ilaa jilbaheeda muddaddaas ay dhiiga qabto.
Arintaa iyada ah waxaa loo cuskadaa qirashada xaasaskii Rasuulka (A.K.R.) oo sheegay in Rasuulku (S.C.W.) Haddii uu doono inuu u tago xaasaskiisa waqtiga ay dhiiga qabaan maryo iska saari jirey xubnahooda gaarka ah, kadibna ku raaxeysan jirey.
Halkaa waxey ka qaateen culimadu inuu ninku kaga raaxeysan karo haweentiisa kolkey caadada qabto inta xuddunta ka sareysa jilbahana ka hooseysa. Inta u dhexeysaa waa inuu ka fogaadaa. Hadii uu filayo ninka ragga ahi inuusan is celin karin waxaa u wanaagsan inuu muddadaasba u tegin haweentiisa, si uusan xaaraan ugu dhicin oo uusan u tegin haweentiisa oo dhiig qabta. Waana inuu qofku iska jiraa inuu haweentiisa uga tago xagga dambe ama meel kaleba aan aheyn farjiga (geedkeeda rugta abuurka iyo beerta ah, halka ilmuhu ku abuurmaan kana soo baxaan).
Qofkii haweentiisa uga taga (yacni galmooda) dabada iwm. waa naclad qabe, caro Alle iyo ciqaabtiisa isu soo jiiday iyo foolxumo adduun iyo mid aakhiraba. Waana abuuris rogantay iyo dabeecad kharibantay inuu qofku ka tago meesha daahirka ah ee Alle nasahnaaye uu u xalaaleeyey isagoo aadaya meel qurun ah ay kasoo baxaan nijaaso iyo wasakh, i.w.m.
Ninka muslimka ah ee rumeysan Alle iyo maalinta qiyaame waa inuu iska jiraa waxaa foosha xun oo ka dheeraadaa. Haweeney Alle taqaannana ma aha iney u suurageliso ninkeeda oo ay ka oggolaato waxyaalahaas xaaraanta ah ee iyagoo kale laga xishoodo.
Fiiro gaar ah:
(( Hadii aad noo soo diyaarin kartid qoraalo Islaami ah oo aad cilmi iyo daliil sugan u hayso fadlan noo soo qor si aad ajarka noola qeybsatid, oo kusoo dir e-mail-keyga)).
Walaalkaa Abdulfatah Mohamed - abdulfatah@yahoo.com
Ku noqo Bogga Islaamigga ah: